Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaDowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay duqeyn lagu beegsaday Safaaradda Qatar ee...

Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay duqeyn lagu beegsaday Safaaradda Qatar ee Ukraine

MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay walaac xooggan kadib markii waxyeello ay soo gaartay Safaaradda Dowladda Qatar ee ku taalla magaalada Kyiv, caasimadda Ukraine, taas oo ka dhalatay duqeyn ka dhacday magaaladaasi.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, isla markaana ay cambaareyneyso fal kasta oo khatar gelinaya amniga xarumaha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda.

Dowladdu waxay mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay dhowrista iyo xurmada goobaha diblomaasiyadeed, iyadoo xustay in sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed, uu si cad u dammaanad qaadayo badbaadada safaaradaha, hantidooda iyo diblomaasiyiinta ka howlgala.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xarumaha diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo aan la taaban karin (inviolable), isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha ay ixtiraamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Ukraine inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo halis gelin karta safaaradaha shisheeye iyo badbaadada howl-wadeennada diblomaasiyadeed, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo doorka diblomaasiyadda ee nabadda iyo xasiloonida caalamka.

RELATED ARTICLES

Most Popular