Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaOIC oo si buuxda u taageertay midnimada Soomaaliya, kana hor timid aqoonsiga...

OIC oo si buuxda u taageertay midnimada Soomaaliya, kana hor timid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Jeddah — Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Jeddah, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda Soomaaliya iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, tallaabadaas oo ururku si adag u cambaareeyay.

Kulanka, oo ay ka qeyb galeen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah OIC, ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Ururka ayaa ku adkeeyay in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yihiin “khad cas” oo aan la oggolaan karin in laga gudbo.

Xoghayaha Guud ee OIC, Xuseen Ibraahim Daaha, ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabada Israa’iil ay jebinayso mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayso qaranimada Soomaaliya. Wuxuu xusay in OIC ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna diidan tahay wax kasta oo halis gelinaya midnimada dalka.

Golaha Wasiirrada OIC ayaa sidoo kale ku celiyay mowqifkooda mideysan ee ku aaddan taageerada dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo xuduudaha la aqoonsan yahay ee dalka.

Dhanka kale, kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda Falastiin, gaar ahaan dhibaatada bani’aadannimo ee ka taagan Marinka Gaza, iyadoo OIC ay ku baaqday in la sii guda galo wejiga labaad ee xabbad-joojinta, lana xaqiijiyo in ciidammada Israa’iil ka baxaan dhulalka Falastiin si loo sugo badbaadada shacabka.

Kulankan degdegga ah ayaa mar kale muujiyay mowqifka mideysan ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ku aaddan ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo diidmada aqoonsi kasta oo sharci-darro ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular