Maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa si adag uga horyimid go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu laalay dhammaan heshiisyadii iskaashi ee lala galay Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE), iyaga oo ku tilmaamay mid ka hor imanaya dastuurka isla markaana halis gelinaya amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Warsaxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen labada maamul ayaa lagu sheegay in go’aanka xukuumadda federaalka uu baalmarsan yahay Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan qodobbada qeexaya awoodaha iyo madaxbannaanida dowlad-goboleedyada. Waxay sidoo kale sheegeen in heshiisyada ay Imaaraadka Carabta la galeen ay door muhiim ah ka qaadanayeen sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku caddeysay in wada-shaqeynta ay la leedahay Imaaraadka Carabta ay tahay mid sharci ah oo ku dhisan Dastuurka Puntland iyo kan Federaalka, iyadoo xustay in ay mas’uuliyad dastuuri ah ka saaran tahay ilaalinta amnigeeda, xuduudaheeda iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish. Puntland waxay uga digtay Dowladda Federaalka in faragelin noocaas ah ay horseedi karto xasillooni-darro siyaasadeed, waxayna ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku laabto jid dastuuri ah oo ixtiraamaya awoodaha dowlad-goboleedyada.
Dhankeeda, Jubaland ayaa si rasmi ah u diiday go’aanka Golaha Wasiirrada, iyadoo sheegtay in heshiisyada la xiriira horumarinta Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ay yihiin kuwo sharci ah oo waafaqsan Dastuurka Jubaland. Maamulka Jubaland ayaa sheegay in kaliya isaga uu xaq u leeyahay wax ka beddelka ama burinta heshiisyada ku saabsan kaabayaasha dhaqaale ee ku yaalla deegaannadiisa, arrintaas oo uu ku sifeeyay mid ku saleysan sharci iyo dastuur.
Labada maamul ayaa isku raacay in aysan aqbali doonin wax go’aan ah oo lagu joojinayo mashaariic horumarineed iyo iskaashi amni oo si sharci ah uga socda deegaannadooda, iyaga oo uga digay Dowladda Federaalka in tallaabadan ay sii fogeyn karto khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Go’aanka Golaha Wasiirrada Federaalka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahayso xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan khilaafaad soo noqnoqday oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan kuwa la xiriira awood-qaybsiga, dastuurka iyo heshiisyada lala galayo dalalka shisheeye.

