MUQDISHO — Redwan Hussein, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, ayaa Talaadadii booqasho lama-filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo siday farriin uu ka wakiil yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Redwan Hussein ayaa farriintaas si toos ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib kulan ay ku yeesheen Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Booqashada oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo uu gobolka Geeska Afrika wajahayo isbeddello amni iyo diblomaasiyadeed.
Ilaa hadda, Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan nuxurka farriinta uu siday Taliyaha Sirdoonka Itoobiya. Si kastaba, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in kulanka lagu falanqeeyay arrimo la xiriira amniga, xiriirka labada dal, iyo xaaladda guud ee gobolka.
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Redwan Hussein ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, Mahad Maxamed Salaad, kaas oo ka dhacay xarunta hay’adda. Faahfaahinta wada-hadalladaasi si rasmi ah looma shaacin.
Socdaalkan ayaa imanaya maalmo kaddib markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu dalkiisa ku martigeliyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, taas oo muujinaysa dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya oo ka socda gobolka. Booqashada Muqdisho ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli ay jiraan xiisado diblomaasiyadeed oo la xiriira arrimo amni iyo siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay Geeska Afrika.
Redwan Hussein ayaa booqashadiisa ku soo gebagabeeyay kulan kooban, kaddibna dib ugu laabtay dalkiisa, iyadoo aan weli wax war rasmi ah laga soo saarin natiijada wada-hadallada uu Muqdisho ku yeeshay.

