Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaSoomaaliya iyo Turkiga oo hirgelinaya heshiis iskaashi oo dhinaca shaqada ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo hirgelinaya heshiis iskaashi oo dhinaca shaqada ah

Ankara — Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa si rasmi ah u bilaabay hirgelinta heshiis iskaashi oo dhinaca shaqada iyo arrimaha bulshada ah, kaas oo ay labada dal kala saxiixdeen bishii Juun 2016, balse aan si buuxda loo dhaqan-gelin sannadihii la soo dhaafay.

Xaflad lagu daah-furayay hirgelinta heshiiska ayaa ka dhacday caasimadda Turkiga ee Ankara, waxaana si wadajir ah u shir-guddoomiyay Wasiirka Shaqada iyo Daryeelka Bulshada Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Prof. Salim Aliyoow Ibro. Waxaa sidoo kale goob joog ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Yuusuf Xasan, iyo xubno ka socday wafdiyada labada dhinac.

Heshiiskan, oo ah is-afgarad ku saxiixnaa 2016, ayaa hadda galay wejiga fulinta kaddib ansixintii Golaha Wasiirrada Soomaaliya bishii July 2025 iyo wadatashiyo heer sare ah oo horudhac u ahaa. Munaasabadda kaddib, labada dhinac ayaa yeeshay kulan farsamo oo diiradda lagu saaray 15 qodob oo mudnaan leh, kuwaas oo la qorsheeyay in la hirgeliyo inta u dhaxaysa 2026 illaa 2027.

Qodobadan ayaa ku wajahan xoojinta iskaashiga dhinacyada shaqo abuurka, horumarinta xirfadaha iyo tababarrada farsamada, badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada, iyo horumarinta adeegyada bulshada. Dowladda Turkiga ayaa ballanqaadday inay bixiso khibrad farsamo si loo casriyeeyo shuruucda shaqada Soomaaliya loona xoojiyo hay’adaha kormeerka shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in la dedejiyo fulinta heshiiska, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha shaqada ee Soomaaliya loona sii ambaqaado iskaashi waara oo u dhexeeya labada dowladood. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in qorshaha ficil ee 2026–2027 uu horseedi doono is-dhaafsi aqoon iyo waayo-aragnimo, isla markaana uu ka faa’iideyn doono muwaadiniinta labada dal.

Hirgelinta heshiiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta shaqaalaha, nidaaminta suuqa shaqada, iyo kobcinta adeegyada bulshada.

RELATED ARTICLES

Most Popular