Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaHay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo Howlgal Qorshaysan ka Fuliyay Bu’aale

Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo Howlgal Qorshaysan ka Fuliyay Bu’aale

Bu’aale — Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa Khamiistii, January 15, 2026, howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Bu’aale ee Jubbada Dhexe, kaas oo lagu beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War kooban oo kasoo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogeyaal sare, kadib markii la helay xog lagu kalsoonaan karo. Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka ayaa sababay khasaare dhimasho ah oo soo gaaray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad kale, waxaana sidoo kale burburay gaadiid iyo hub ay kooxdu lahayd.

NISA waxay intaas ku dartay in wali ay socoto ururinta iyo xaqiijinta faahfaahinta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka, isla markaana xog dheeraad ah la shaacin doono marka ay dhammaato qiimeynta.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamka, sii wado dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanno kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha.

RELATED ARTICLES

Most Popular