Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaKoonfurta Suudaan oo si rasmi ah u taageertay midnimada Soomaaliya

Koonfurta Suudaan oo si rasmi ah u taageertay midnimada Soomaaliya

Juba — Dowladda Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in mowqifkeedu waafaqsan yahay go’aannada Midowga Afrika iyo IGAD.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Koonfurta Suudaan, kuna taariikheysan 16-ka Janaayo 2026, kana soo baxay magaalada Juba, ayaa lagu sheegay in Koonfurta Suudaan ay si adag u taageersan tahay ixtiraamka xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in Koonfurta Suudaan ay ka go’an tahay ilaalinta wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay diidan tahay tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah, axdiga Midowga Afrika iyo heshiisyada urur-goboleedka IGAD.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan ayaa xustay in taageeradan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara amniga iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

Hadalkan ayaa imanaya xilli gobolka uu wajahayo isbeddello siyaasadeed iyo doodo la xiriira madaxbannaanida iyo xuduudaha, taas oo sare u qaadday muhiimadda ay leedahay taageerada caalamiga ah ee loo muujinayo dowladda Federaalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular