Laascaanood — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha, isimada iyo cuqaasha dhaqanka Puntland, kuwaas oo uu hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Kulanka, oo ka dhacay Laascaanood, ayaa yimid xilli isimadaasi ay ka mid ahaayeen martidii ka qayb gashay munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyay doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobannimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay kaalintooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.
Dhankooda, Boqorka iyo isimada dhaqanka ayaa ammaanay dadaalka Madaxweynaha ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo dardargelinta nidaamka dowliga ah. Waxay sidoo kale muujiyeen dareen qaranimo, iyaga oo caddeeyay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadasho firfircoon oo ku aaddan nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
Kulankan waxaa ka qayb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

