Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaBooliiska Gobolka Banaadir oo Mamnuucay Askarta Hubeysan ee Raacda Mooto Fekonta

Booliiska Gobolka Banaadir oo Mamnuucay Askarta Hubeysan ee Raacda Mooto Fekonta

MUQDISHO — Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar cusub oo lagu mamnuucayo in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta, iyadoo sidoo kale gebi ahaanba la reebay in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha caasimadda Muqdisho.

Amarkan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin amni oo ay qaadeen ciidamada Booliiska, kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo muujinaya rag falal dhac ah u geysanaya shacabka, kuwaas oo qaarkood watay darees ciidan isla markaana isticmaalayay mootooyin.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen eedeysane D/le Liiban Mustaf Aadan, kaas oo lagu eedeeyay falal dhac oo isdaba joog ah oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho. Booliiska ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacanta ciidamada, lana horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.

Sidoo kale, howlgal kale oo ay sameeyeen ciidamada Booliiska Saldhigga Dayniile ayaa lagu soo qabtay labo eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dhac iyo dhibaateyn bulsho. Labada eedeysane oo lagu kala magacaabo D/le Maxamed Xasan Axmed (Abaaje) iyo Mursal Warsame Cabdi (Jiiska) ayaa lagu qabtay iyagoo fal dhac ah ka geysanaya degmada Dayniile, kaddib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka.

Taliyaha Booliiska Qeybta Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa sheegay in cid kasta oo ka baxda awaamiirta hay’adaha amniga laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay soo wargeliyaan saldhigyada Booliiska ama ay wacaan lambarka gaaban ee 991, haddii ay arkaan ama ka shakiyaan falal amni-darro.

Booliiska ayaa tilmaamay in amniga Muqdisho uu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayo, iyada oo ciidamada kala duwan ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo kalsoonida shacabka.

RELATED ARTICLES

Most Popular