Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaSoomaaliya oo hawadeeda ka xanibtay diyaarad ay leedahay Israa’iil

Soomaaliya oo hawadeeda ka xanibtay diyaarad ay leedahay Israa’iil

Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diidday inay cusbooneysiiso oggolaanshaha isticmaalka hawada dalka ee shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia Israeli Airlines, tallaabo la xiriirta xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland.

Shirkadda Arkia ayaa si joogto ah u mari jirtay hawada Soomaaliya, iyadoo ka shaqeyn jirtay khadka Tel Aviv–Bangkok, balse Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay cusbooneysiinta ruqsadda bisha Febraayo. War-saxaafadeed ay soo saartay Arkia, oo ay soo xigteen warbaahinta Israa’iil, ayaa lagu sheegay in shirkaddu weli aysan helin oggolaanshaha duulimaad ee hawada Soomaaliya, isla markaana ay qaadi doonto marin kale haddii aan ruqsad la siin horraanta bisha.

Go’aankan ayaa imanaya kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, oo ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991 balse aan helin aqoonsi caalami ah. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Somalia, isla markaana tallaabadaasi ay ka hor imanayso madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo hadda si buuxda gacanta ugu haysa maamulka hawada dalka, ay diidday codsiga Arkia ee cusbooneysiinta ruqsadda. Dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin in go’aankan uu yahay mid ku-meel-gaar ah ama mid si toos ah ula xiriira muranka Somaliland.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay xoojinayso maamulkeeda hawada sare, kaddib tobannaan sano oo ay hawada dalka ka maamulayeen hay’ado caalami ah. Sannadkii 2017, Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawadeeda, oo in ka badan 27 sano laga maamuli jiray magaalada Nairobi, tallaabadaas oo loo arkay mid dib u soo celisay madax-bannaanida hawada dalka.

Go’aanka diidmada ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga faa’iideysanayso awoodda ay u leedahay maareynta hawadeeda, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.

RELATED ARTICLES

Most Popular