Jigjiga — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu sidoo kale ku sugan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal, iyadoo si rasmi ah u qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida. Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Cumar, ayaa hoggaaminayay soo dhaweynta wafdiga, oo ay qeyb ka yihiin Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Jaamac, iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa magaalada Jigjiga u yimid ka qaybgalka munaasabadda furitaanka mashruuc dalxiis oo lagu magacaabo “Shabeelleey,” kaas oo ay hirgelisay Dowlad Deegaanka Soomaalida. Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid lagu horumarinayo dalxiiska, bilicda magaalada, isla markaana gacan ka geysanaya kobcinta dhaqaalaha deegaanka iyo abuurista fursado shaqo.
Inta ay ku sugan yihiin Jigjiga, waxaa la filayaa in madaxda ay yeeshaan kulamo gaar ah oo ay kaga wada hadli doonaan arrimo la xiriira iskaashiga gobolka, horumarinta, iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya dalalka Geeska Afrika. Imaanshaha madaxdan sare ayaa muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti.

