Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay Muqdisho u soo direen maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo saaka kasoo ambabaxay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmi ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa la siiyay amar toos ah oo ah in aan la oggolaan karin diyaarado kale oo sida ciidamo ka imaanaya labada magaalo, kaddib markii la sheegay in la jebiyay habraacyadii amni ee hore loogu heshiiyay. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in guddiyada farsamada ee dowladda dhexe iyo maamullada ay horay u isla qaateen in mid kasta loo oggolaado 40 illaa 50 askari oo isugu jira ilaalo gaar ah iyo dharcad si ay u sugaan amniga madaxda, balse labada dhinac ay soo direen ciidamo ka badan intii lagu heshiiyay.
Go’aanka dowladda ayaa sidoo kale lagu sababeeyay walaac la xiriira amniga qaranka iyo ilaalinta nidaamka amni ee caasimadda, iyadoo la tilmaamay in tallaabada ay saameyn ku yeelan karto jawiga wada-hadallada siyaasadeed ee la qorsheeyay.
Dhanka kale, Muqdisho waxaa ka socda kulamo deg-deg ah oo u dhexeeya guddiyada farsamo ee dhinacyada, kuwaas oo ka arrinsanaya sidii xal loogu heli lahaa xaaladda soo baxday, loogana hortagi lahaa wax kasta oo carqalad ku noqon kara geeddi-socodka wada-hadallada. Illaa hadda, wax war rasmi ah kama soo bixin Puntland iyo Jubbaland oo ku aaddan tallaabada dowladda.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli la filayo in maalinta Isniinta ah ay Muqdisho ka billowdaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamullada, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka, midnimada dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaaladda bini’aadannimo ee ka dhalatay abaaraha.

