Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan, Wasiirka Gaashaandhigga, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, iyo wakiillo ka socday saaxiibada caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray Taliyaha cusub, isaga oo xusay in hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka looga baahan yahay hufnaan, anshax iyo dhaqan wanaagsan, si ay u noqdaan ciidan hormuud u ah bulshada kana soo baxa waajibaadkooda qaran ee difaaca dalka. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay hoggaan milatari oo mideysan, firfircoon, kana go’an ciribtirka kooxaha Khawaarijta.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo xoreeyay deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen kooxahaas, isla markaana cadowga u diiday jiif iyo nasasho. Wuxuu intaas ku daray in argagixisadu ay gabaad ka dhigteen dhulal leh kheyraad kala duwan, gaar ahaan deegaannada wabiyada iyo beeraha, si ay u curyaamiyaan wax-soo-saarka dalka.
“Meesha aan taaganahay waa meel lagu ilaaliyo calanka Qaranka Soomaaliyeed, waana astaan sharaf iyo masuuliyad gaar ah leh. Haddii aan dalkeenna laga xoreyn cadowga, horumar lama gaari karo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay in mudnaanta koowaad ay tahay xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in daryeelka iyo xuquuqda ciidamada ay yihiin tiir muhiim u ah qorshaha Xukuumadda, isaga oo xusay in qaybta ugu badan ee miisaaniyadda dowladda lagu bixiyo sugidda amniga iyo nabadgelyada dalka.
Ugu dambeyn, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, shaqadii ballaarneyd ee uu qabtay muddadii uu xilka hayay, isagoo kula dardaarmay Taliyaha cusub in uu sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargelinta howlgalada amniga.

