Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaDowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay imaanshaha diyaaradaha F-16 ee...

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay imaanshaha diyaaradaha F-16 ee Turkiga

Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga nooca F-16 la keenay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu wareejiyay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo aan la caddeyn in ay yihiin kuwo la soo iibsatay ama gargaar ahaan loo siiyay.

Xaqiijintan ayaa timid intii lagu guda jiray munaasabad xil-wareejin ah oo loo qabtay taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu sheegay in diyaaradahaasi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

“Diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo loo keenay Ciidanka Qaranka waxay si weyn u kordhinayaan awoodda hawlgal ee ciidanka, waxayna gacan ka geysan doonaan dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wuxuu intaas ku daray in imaanshahooda uu xoojinayo awoodda cirka iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Inkasta oo dowladda ay xaqiijisay imaanshaha diyaaradaha, haddana ma jirto faahfaahin rasmi ah oo la bixiyay oo ku saabsan tirada F-16 ee la keenay, habka loo maamulayo, ama in ay kaxayn doonaan duuliyayaal Soomaaliyeed iyo in kale. Sidoo kale lama caddeyn qorshaha hawlgallada gaarka ah ee lagu adeegsan doono.

Wararkan ayaa daba socda hadal-heyn ka jirtay caasimadda, kaddib markii maalmo ka hor diyaarado F-16 ah lagu arkay hawada Muqdisho iyagoo ku duulaya joog hoose, arrintaas oo soo jiidatay dareenka shacabka.

Turkiga ayaa kamid ah saaxiibbada amni ee ugu dhow Soomaaliya, wuxuuna dalka ka taageeraa dhinacyada tababarka ciidanka, qalabka, iyo kaabeyaasha amniga. Labada dal ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo quseeya iskaashiga difaaca, amniga badda iyo arrimo istaraatiiji ah, iyadoo Ankara ay door muuqda ku leedahay taageerada hawlgallada amni ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular