Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaKhilaaf iyo Fowdo Hareeyay Kulankii Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Khilaaf iyo Fowdo Hareeyay Kulankii Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho — Fadhigii wadajirka ahaa ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa galay buuq iyo fowdo xooggan, kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliska Federaalka lagu daadiyay gudaha hoolka Golaha Shacabka, si ay u xakameeyaan xildhibaanada inta lagu guda jiray dood ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka KMG ah.

Ilo-wareedyo ku sugan Baarlamaanka ayaa sheegay in askar hubeysan ay si buuxda ula wareegeen ammaanka hoolka, isla markaana ay hor istaageen xildhibaano doonayay inay gaaraan minbarka hadalka. Xildhibaano qaar ayaa sheegay in askartu ku goodisay inay rasaas adeegsan doonaan haddii hadal la jeediyo oggolaansho la’aan.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu arkay bannaanka xarunta Baarlamaanka, halkaas oo la sheegay inuu hagayay howlgallada amniga. Qaar ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo dano siyaasadeed halkii laga ilaalin lahaa madaxbannaanida hay’adda sharci-dejinta.

Kulanka oo ku saabsanaa dib-u-eegista Dastuurka, gaar ahaan wax ka beddelka Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, ayaa marar badan isu beddelay buuq iyo hadallo kulul, iyadoo xildhibaano ay muujinayeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan saameynta isbeddellada lagu sameynayo nidaamka federaalka iyo awood-qeybsiga dowladda.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa sheegay in doodda la sii wadi doono kulamada soo socda, islamarkaana arrinta dib loogu laaban doono fadhiga xiga oo la qorsheeyay maalinta Isniinta.

Dhanka kale, eedeymo culus ayaa soo baxay oo la xiriira in askar ka tirsan Booliska Federaalka ay jirdil u geysteen xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka, taasoo noqoneysa dhacdadii labaad ee la soo wariyo ee haween mudanayaal ah lagu handado ama lagu waxyeelleeyo gudaha xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in askartu ay ku hanjabeen inay ka qaadi doonaan taleefannada gacanta ee xildhibaanada, isagoo ku tilmaamay xaaladda mid cabsi gelin iyo caburin ku saleysan.

Dhacdooyinkan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan badqabka xildhibaanada, hannaanka dimuqraadiyadeed, iyo madaxbannaanida Baarlamaanka, xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed, amni, iyo bini’aadannimo oo adag.

RELATED ARTICLES

Most Popular