Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo Cambaarayn Kulul u Jeediyay Israa’iil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cambaarayn Kulul u Jeediyay Israa’iil

Doha — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee uu ku tilmaamay mid ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ka digay in tallaabadaasi khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay Madasha 17-aad ee Aljazeera (Al Jazeera Forum) oo ka dhacday magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu ku sheegay in go’aankii Israa’iil ee ay ku aqoonsatay Somaliland uu yahay “ku-xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah iyo mabaadi’da Midowga Afrika.”

“Faragelinta Israa’iil ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin, waana tallaabo wiiqaysa midnimada Afrika iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga hortimid go’aankaas tan iyo bishii Diseembar 2025.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isaga oo sheegay in marinnadaas ay laf-dhabar u yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo xasilloonida amniga dunida. Wuxuu ku eedeeyay Israa’iil in faragelinteedu ay abuuri karto qalalaase cusub oo saameeya gobolka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda Falastiin, isagoo cambaareeyay weerarrada Israa’iil ee Gaza iyo Daanta Galbeed, kuna tilmaamay “musiibo bini’aadannimo.” Wuxuu mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xal laba dowladood ku saleysan oo lagu dhisayo dowlad Falastiiniyiin ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo xusay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay gaareen guulo la taaban karo.

“Dagaalka argagixisada waa mid militari, dhaqaale iyo fikirba leh, waxaana ka go’an Dowladda Federaalka in la ciribtiro kooxaha khatarta ku ah amniga dalka iyo shacabka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya si firfircoon uga hadleyso saameynta siyaasadeed iyo amni ee ka dhalan karta go’aanka Israa’iil ee la xiriira Somaliland, iyo xaaladda guud ee gobolka.

RELATED ARTICLES

Most Popular