Muqdisho, Febraayo 8, 2026 – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah uga horyimid tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyada oo ku tilmaantay mid mas’uuliyad-darro ah oo khatar ku ah midnimada dalka iyo hanaanka dowladnimo ee lagu heshiiyay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay baalmarsan tahay habraacyadii dastuuriga ahaa ee sharciyeysan, taasoo ay Jubbaland ku tilmaantay ku tumasho dastuurkii lagu soo doortay hoggaanka hadda jira.
“Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumanaysaa dastuurkii lagu doortay, iyada oo wax ka baddelkiisa u maraysa hannaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa dastuurka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Jubbaland ayaa sidoo kale cambaareysay dhacdooyin ka dhacay xarunta Baarlamaanka Federaalka, iyadoo sheegtay in xildhibaanno ka soo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ay la kulmeen handadaad, cabsi gelin, iyo xadgudubyo jireed. Dowladda Federaalka ayaa mas’uuliyadda arrintaas dusha laga saaray, gaar ahaan hoggaanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud madaxda ka yahay.
“Ficilladii ugu dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, waxaana la handaday laguna jirdilay xildhibaano ka hor yimid go’aamada madaxweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.
Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale ku adkeysatay in deegaanadeeda iyo shacabkeeda aan lagu dhaqi doonin dastuur aan dhammaystirneyn, kana maqan yahay kalsoonida labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Bayaankan ayaa imanaya xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu wadaa dood ku saabsan wax ka beddelka qodobo muhiim ah oo ka mid ah Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan Qodobbada 49, 50, iyo 54, kuwaas oo si toos ah u taabanaya qaab-dhismeedka dowladda federaalka iyo habraacyada doorashooyinka.

