Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaUncategorizedSoomaaliya iyo Türkiye oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Saabsan Isgaarsiinta Elektaroonigga ah

Soomaaliya iyo Türkiye oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Saabsan Isgaarsiinta Elektaroonigga ah

Ankara, February 10, 2026: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya iskaashi la xiriira nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), amniga iyo adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo arrimo kale oo nidaamineed oo ku saabsan isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiska waxaa xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara ku kala saxiixday Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mustafa Yaasiin Sheekh, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Türkiye, Ömer Abdullah Karagözoğlu.

Ömer Abdullah Karagözoğlu ayaa sheegay in iskaashigan uu kor u qaadayo is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda nidaaminta, si loo horumariyo qeybaha isgaarsiinta ee labada dal mustaqbalka fog.

Dhankiisa, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa xusay in heshiiskani uu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeysa HIQ iyo BTK, isla markaana uu taageerayo dhisidda awoodda shaqaalaha, is-weydaarsiga aqoonta, iyo horumarinta qaab-dhismeedka nidaamin oo wax ku ool ah.

Kaddib saxiixa heshiiska, wafdiga Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya ayaa la yeeshay kulammo gaar ah Hay’adda BTK iyo xarumo kale oo hoos yimaada, iyagoo ka qeyb galay wadahadallo farsamo, aqoon-isweydaarsi, iyo wadaagis khibradeed oo la xiriira amniga saaybarka, ilaalinta macaamiisha, iyo hab-maamulka internet-ka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular