Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaWada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo Loogu Diyaar Garowayo Muqdisho

Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo Loogu Diyaar Garowayo Muqdisho

Muqdisho, February 11, 2026 – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku aaddan shirka u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo la filayo inuu bilaabmo maalmaha soo socda.

Inta badan xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa ku sugan caasimadda, halka la sugayo guddoomiyaha golaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku maqan safar dibadda ah. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay ku hoyday Muqdisho, waxaana ay kulamo gaar gaar ah kula qaateen xubnaha mucaaradka, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo shirka la filayo.

Dhanka Dowladda Federaalka, madaxda sare ayaa wada kulamo gudaha ah oo la xiriira qodobada la horgeyn doono wada-hadallada, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka kumeel gaarka ah, midnimada dalka, amniga, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha.

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in labada dhinac ay yeesheen kulamo waqti dheer qaatay si ay uga tashadaan shuruudaha iyo qodobada muhiimka ah ee la filayo in lagu gorfeeyo shirka.

Ilaa hadda lama shaacin goobta rasmiga ah ee shirka lagu qaban doono, iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Golaha Mustaqbalka uu qorsheynayo in lagu qabto Xalane. Arrintan ayaa weli ah qodob ka mid ah meelaha la isku hayo.

Ajendaha shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo dastuurka, kuwaas oo ah qodobo xasaasi ah oo u baahan is-afgarad si xal looga gaaro ka hor bisha May 2026.

Wakiillo ka socda beesha caalamka ayaa cadaadis ku saaraya labada dhinac in wada-hadallada loo ballansanaa ay qabsoomaan, iyagoo ku baaqay in la gaaro is-afgarad ku saabsan qodobada la isku hayo si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular