Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa habeenimadii xalay guryahooda ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda mar kasta fidsan tahay, albaabka madaxdana uu furan yahay, isla markaana ay muhiim tahay in dhinacyada lagala fariisto xal u helidda arrimaha taagan. Wuxuu sidoo kale ka raalligeliyay xanibaaddii lagu sameeyay habeenkii hore.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyadda dhacdadii ka dhacday afaafka xerada Xalane dusha ka saaray mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, NISA, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen celinta madaxdii hore.
Kulamadan ayaa yimid kadib markii Golaha Mustaqbalka ay sheegeen in xarunta Xalane, gaar ahaan Hotel Airport, laga celiyay Sheekh Shariif iyo Maxamed Xuseen Rooble oo la qorsheynayay inay ka qeybgalaan kulan ay yeelan lahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

