Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaDowladda Federaalka oo Dib-u-dejin iyo Guriyeyn ka Hirgelisay Sabiid iyo Caanoole

Dowladda Federaalka oo Dib-u-dejin iyo Guriyeyn ka Hirgelisay Sabiid iyo Caanoole

SHABEELLAHA HOOSE, Soomaaliya, 17 Febraayo 2026 – Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole si dib-u-dejin loogu sameeyo qoysaskii laga barakiciyay halkaas, kaddib markii laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, waxaana ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud. Sidoo kale, Taliyaha Xerada Turksom, Sareeye Gaas Sebahattin Kalkan, ayaa qayb ka ahaa safarka.

Ujeeddada socdaalka ayaa lagu sheegay fulinta ballanqaadkii dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo dardargelinta howlaha dib-u-soo-kabashada bulshada. Mas’uuliyiinta ayaa kormeeray xaaladda deegaanka, iyagoo diiradda saaray daadajinta adeegyada dowladda iyo hirgelinta mashaariic horumarineed.

Qoysaskii laga barakiciyay Sabiid iyo Caanoole ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii deegaannadan. Waxaa sidoo kale la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah, si loo xoojiyo nolol-maalmeedka bulshada loona dardargeliyo dib-u-dhiska.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka wada hadlay xoojinta amniga, nabadgelyada iyo adeegyada aas-aasiga ah, si looga hortago in kooxaha argagixisada ay dib ugu soo laabtaan deegaannadaas.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilinta amniga iyo dib-u-dhiska deegaannada laga saaray Khawaarijta.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular