MUQDISHO, 16 Febraayo 2026 – Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee labada dal.
Heshiiska ayaa dhinaca Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Munaasabadda saxiixa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Duhulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.
Qodobada heshiiska ayaa diiradda saaraya fududeynta isu-socodka muwaadiniinta labada dal. Sida lagu heshiiyay, muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda ayaa laga dhaafay dal-ku-galka. Sidoo kale, muwaadiniinta wata baasaboorrada caadiga ah ee Soomaaliya iyo Tanzania ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, arrintaas oo la sheegay inay sahlayso isu-socodka ganacsatada iyo shacabka.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa tilmaamay in heshiiskan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga gobolka, gaar ahaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika, isla markaana uu door ka qaadan doono xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.
Waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda, kuwaas oo lagu ammaanay doorkooda ku aaddan hirgelinta iyo miro-dhalinta heshiiskan.

