MUQDISHO, Febraayo 20, 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday bixinta Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika, tallaabo loo arko mid xoojinaysa is dhexgalka gobolka iyo kor u qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in baasaboorkan cusub uu muwaadiniinta u furayo fursado ballaaran oo dhinaca socdaalka, ganacsiga iyo waxbarashada ah. Wuxuu tilmaamay in ku biirista Bulshada Bariga Afrika ay astaan u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya iyo kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayso arrimaha gobolka.
Sida uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, baasaboorka Soomaaliyeed oo sanadkii 2021 ku jiray kaalinta 111-aad ee caalamka ayaa hadda gaaray kaalinta 96-aad, taas oo ka dhigan koror dhan 15 darajo. Wuxuu xusay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay hadda si dal ku gal la’aan ah ama dal ku gal laga qaato garoomada ugu safri karaan ku dhowaad 40 waddan.
Baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ayaa markii ugu horreysay la soo bandhigay sanadkii 2016 intii uu socday shirkii 17-aad ee madaxda EAC, waxaana uu ka kooban yahay saddex nooc oo kala ah mid diblomaasi, mid adeeg dowladeed iyo midka shacabka. Dalalka Kenya, Tanzania, Burundi, Uganda iyo Rwanda ayaa bilaabay bixinta baasaboorkan intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2019.
Soomaaliya ayaa oggolaanshaha daabacaadda baasaboorkan heshay bishii Diseembar 2025, kadib heshiis laba geesood ah oo ay la gashay Tanzania. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzania ahna wakiilka joogtada ah ee EAC, Ilyaas Cali Xasan, ayaa naqshadda baasaboorka ku wareejiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka, Mustaf Sheekh Axmed Dhuxulow.
Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika kadib markii lagu ansixiyay Shirweynihii 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha EAC ee ka dhacay Arusha. Dalalka xubnaha ka ah ururka waxaa ka mid ah Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ka mid ahaanshaha Bulshada Bariga Afrika, isla markaana ay door firfircoon ka qaadan doonto horumarka waara, ganacsiga, shaqo abuurka iyo sare u qaadidda tayada nolosha dadka gobolka.

