MUQDISHO, Febraayo 22, 2026 – Shir u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay xarunta Villa Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
Kulankan oo ah kii labaad ee toos ah ee labada dhinac yeeshaan, ayaa waxaa guddoominaya Madaxweynaha, waxaana goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, taliyaha NISA, iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka.
Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka ay soo bandhigeen afar qodob oo ay u arkaan kuwo saldhig u ah jihada siyaasadeed ee dalka. Qodobka koowaad wuxuu la xiriiraa qabashada doorashooyin ka dhaca dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraastooda. Mucaaradka ayaa ku doodaya in la qabto doorashooyin dadban oo la mid ah kuwii ka dhacay Puntland iyo Jubbaland.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu doorbidayo in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, taas oo shacabka u oggolaaneysa inay si toos ah u doortaan wakiilladooda, isla markaana aanu taageersanayn in mar kale lagu laabto nidaamka doorasho dadban.
Qodobka labaad ee ay mucaaradku soo jeediyeen ayaa ah in la isla garto nooca doorasho qaran ee la qaadanayo, iyagoo ku talinaya in lagu laabto hannaankii hore ee doorashada dadban, balse la ballaariyo tirada ergooyinka si loo helo hannaan ka hufan eedeymaha la xiriira doorasho xulasho ah.
Sidoo kale, mucaaradka ayaa ku adkeystay in la joojiyo wax ka beddelka lagu sameynayo Dastuurka Ku meel gaarka ah ee 2012, iyagoo dalbanaya in dib loo eego wax ka beddelkii dhowaan lagu sameeyay. Madaxweynaha ayaa hore u difaacay geeddi socodka dib u eegista dastuurka, hase yeeshee muujiyay inuu diyaar u yahay wadahadal ku saabsan qodobbada qaarkood.
Qodob kale oo la isla soo qaaday ayaa ah dhismaha guddi doorasho oo madax bannaan laguna kalsoonaan karo, si uu u maamulo nooca doorasho ee lagu heshiiyo.
Shirkan ayaa kusoo aaday xilli uu dalku wajahayo xaalado bani’aadannimo iyo abaaro, iyadoo Beesha Caalamka ay si dhow ula socoto wadaxaajoodyada, isla markaana ku cadaadineysa dhinacyada inay xal ka gaaraan is mari waaga siyaasadeed.
Waxaa la filayaa in marka uu shirku soo gabagaboobo ay labada dhinac warbaahinta la hadlaan, si ay uga warbixiyaan natiijada kulanka iyo qodobbada laga gaaray is afgaradka.

