MUQDISHO, Febraayo 23, 2026 – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ergo u diray xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kadib markii wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray Hotel Airport ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland. Labadan mas’uul ayaa la sheegay in ay wakiil ka yihiin Madaxweynaha, iyagoo kulamo la leh madaxda Golaha Mustaqbalka oo halkaas ku leh shirar xasaasi ah.
Ergada ayaa la sheegay in loo diray si ay u sii wadaan dadaallada xal-raadinta, isla markaana ay uga hortagaan in xaaladdu sii cakiranto, kadib markii shirkii Axaddii ka dhacay Madaxtooyada uu ku dhammaaday is-afgaranwaa.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ujeedka kulamadan uu yahay in la isku soo dhoweeyo dhinacyada, iyadoo la isku hayo qodobo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka KMG ah. Dowladda Federaalka ayaa riixaysa in dalka loo wareejiyo nidaamka doorasho ee “qof iyo cod”, halka mucaaradku ay muujiyeen walaac ku saabsan suurtagalnimada iyo saameynta isbeddelkaas.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xalay si toos ah ula xiriiray xubno ka tirsan mucaaradka, isaga oo ka codsaday in fursad la siiyo wada-hadallada sii soconaya, wuxuuna caddeeyay in dadaallada xal-raadinta la wadi doono.
Ilaa hadda ma jiro war-murtiyeed rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada, iyadoo indhaha siyaasadda ay ku jeedaan natiijada kulamada ka socda Muqdisho iyo jihada ay qaadi doonaan wada-hadallada.

