Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaMasar oo Itoobiya ka Taageeraysa Helista Marin Badeed Haddii...

Masar oo Itoobiya ka Taageeraysa Helista Marin Badeed Haddii…

QAahira, Febraayo 24, 2026 – Dowladda Masar ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso dalalka Afrika si Itoobiya looga caawiyo helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas, haddii Addis Ababa ay qaadato mowqif dabacsan oo ku saabsan khilaafka biyaha Webiga Niilka.

Ilo ku sugan Qaahira oo xog ogaal u ah wada-tashiyada gaarka ah ayaa u sheegay wargeyska The National in soo jeedintan toddobaadkii hore loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed. Qorshahan ayaa sidoo kale lala wadaagay Washington, halkaas oo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku dhawaaqay inuu dhex-dhexaadin ka samaynayo muranka tobanka sano jirsaday ee la xiriira saamiga biyaha Niilka, kadib dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee GERD oo ku yaalla Niilka Buluugga ah.

Soo jeedinta Masar ayaa la sheegay inay ku lifaaqan tahay fariin muujinaysa in Qaahira ay adeegsan karto saameynteeda siyaasadeed iyo milatari ee ay ku leedahay Suudaan, Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale joogitaankeeda ciidan badeed ee koonfurta Badda Cas, si ay uga hortagto in Itoobiya dekedo ka hesho dalalkaas haddii ay diido shuruudaha la hor dhigay.

Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi ayaa soo dhaweeyay hindisaha Trump ee ku aaddan dhexdhexaadinta khilaafka biyaha ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Inkasta oo aanay jirin war rasmi ah oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Addis Ababa ama Qaahira, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa shir jaraa’id oo uu la yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xilli uu ku sugnaa Addis Ababa ku adkeeyay baahida dalkiisu u qabo marin badeed.

“Joogtaynta kobocayaga lama xaqiijin karo haddii qaran ka badan 130 milyan oo qof laga hor istaago marin badeed oo uu noqdo maxbuus juqraafiyeed,” ayuu yiri Abiy.

Masar oo ay ku nool yihiin in ka badan 108 milyan oo qof, isla markaana ka mid ah dalalka ugu qalalan dunida, ayaa u aragta GERD khatar ku wajahan mustaqbalkeeda biyaha. Qaahira ayaa muddo dheer ku dadaalaysay in la gaaro heshiis sharciyeysan oo qeexaya qaabka loo maamulayo biyo-xireenka, si loo hubiyo qaybin caddaalad ah gaar ahaan xilliyada abaarta daba dheeraata.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular