MUQDISHO – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa dib ugu soo laabtay fagaaraha siyaasadda, isagoo qaatay mowqifyo hadal-hayn badan dhaliyay oo ku aaddan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hannaanka doorashada dalka.
Sanbaloolshe ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo siyaasi Cabdiqaadir Cosoble. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu dhaliilay jihada siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku baaqay in la qaato doorasho dadban, halkii lagu adkeysan lahaa qorshaha qof iyo cod ee ay dowladda hadda waddo.
Dhanka kale, Sanbaloolshe ayaa si cad u shaaciyay hammigiisa ah inuu u tartamo hoggaanka Hirshabelle. Wuxuu carrabka ku adkeeyay inay lama huraan tahay wada-xaajood dhex mara beelaha Xawaadle iyo Abgaal si loo go’aamiyo masiirka maamulkaas. Hadalkan ayaa dhaliyay doodo adag, iyadoo qaar ka mid ah waxgaradka Hiiraan ay u arkeen mid meesha ka saaraya beelaha kale ee deegaanka wada deggan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in habeenkii xalay ay ciidamo ka amar qaata Sanbaloolshe xabsiga u taxaabeen xubno ka tirsan guddiga doorashada degmada Buula-burde. Tallaabadan ayaa la sheegay inay salka ku hayso is-faham waa ku aaddan hannaanka doorashada degmada, inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo faahfaahinaya eedeymaha loo haysto xubnahaas.
Dhaqdhaqaaqyada Sanbaloolshe ayaa kusoo beegmaya xilli dalku ku jiro marxalad kala guur ah iyo muran ka taagan hannaanka doorashooyinka. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in tallaabooyinkan aay bidhaaminayaan in madaxawayne Deni uu saameeyn toos ah kuleeyahay sanbaloolshe iyo qorshahooda imaaraadka iyo in la curyaamiyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Guud ahaan, soo laabashada Sanbaloolshe iyo loolanka uu billaabay ayaa muujinaya in siyaasadda Hirshabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan, ay gashay marxalad kacsan ee dhanka qabaailada gaar ahaan muujinta in qabiilada hiiraan badankooda la wiiqo awoodooda siyaasadeed taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida iyo hannaanka doorasho ee deegaanka.

