MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay hakadka ku yimid wada-xaajoodyadii u dhaxeeyay dowladda iyo xubnaha mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in wadahadalladii ka furmay Villa Somalia 18-kii Febraayo 2026 ay caqabad kala kulmeen dhanka xubnaha mucaaradka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si kedis ah u beddeleen ajendihii markii hore lagu heshiiyay.
Sida ay sheegtay dowladda, ka hor inta aan la guda galin wada-xaajoodka rasmiga ah, waxaa jiray kulamo hordhac ah oo lagu go’aamiyay in xoogga lagu saaro saddex qodob oo muhiim ah: dhismaha guddi talo bixin ka bixiya doorashooyinka heer federaal, qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada, iyo in bishii Abriil ee sannadkan la isugu soo laabto kulan kale. DFS waxay caddeysay in qodobbadaas ay ahaayeen laf-dhabarta wada-hadalka si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed oo horseeda doorashooyin dalka ka dhaca.
Hase yeeshee, dowladda ayaa nasiib-darro ku tilmaantay in maalintii koowaad ee shirka ay Golaha Mustaqbalka keeneen dalabyo cusub oo aan horay loogu heshiin. Qodobka ugu weyn ee laysku mari waayay ayaa ahaa dalabka mucaaradka ee ah inay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka dowlad-goboleedyada dalka. Dowladda ayaa ku dooday in dalabkaas uu si cad uga hor imanayo mabaadi’da dastuurka u degsan, isla markaana uu yahay mid aan lahayn sal sharci oo lagu tixraaco.
Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka ayaa hoos ka xariiqday inay muujisay dulqaad iyo dabacsanaan intii ay socdeen wada-hadalladu, balse bayaankii dhowaan ka soo baxay Golaha Mustaqbalka uu dhaawac u geystay geeddi-socodka wada-xaajoodka. In kastoo uu jiro hakadkan, haddana dowladda waxay sheegtay in albaabbada wada-hadalku ay u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada-xaajood ku dhisan dastuurka iyo shuruucda dalka, si loo hirgeliyo doorasho ka turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

