Muqdisho, Maarso 1, 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan afur ah ku qaabilay Villa Soomaaliya qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ururrada siyaasadda dalka, isaga oo kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo la xiriira dib-u-habeynta doorashooyinka iyo hirgelinta nidaamka qof iyo cod ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyay ururrada siyaasadda in ay xoojiyaan wada shaqeynta, isla markaana si firfircoon uga qayb qaataan qorshaha doorashooyinka tooska ah ee la doonayo in laga hirgeliyo gobollada dalka. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan hufnaan, wadaagis iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Dhankooda, hoggaamiyeyaasha ururrada siyaasadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka uu ka gudbo doorashooyinka dadban una guuro nidaam dadweyne si awoodda shacabka dib loogu soo celiyo. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo midnimo, wadatashi joogto ah iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran iyo geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo.
Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdikariin Maxamed Yuusuf.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan doodo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka iyo mustaqbalka nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

