Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaWaa Kuma Hoggaamiyaha Cusub ee Iiraan?

Waa Kuma Hoggaamiyaha Cusub ee Iiraan?

Tehraan – Dowladda Iiraan ayaa si kumeel gaar ah hoggaanka dalka ugu magacowday Aayatullaahi Alireza Arafi, kadib dilkii hoggaamiyihii sare ee dalkaas Aayatullaahi Cali Khamenei.

Wararka laga helayo Tehraan ayaa sheegaya in magacaabistan la sameeyay maanta, iyadoo Arafi uu hoggaamin doono golaha sare ee ku meel gaarka ah ee maamula dalka. Golahaas ayaa ka kooban madaxweynaha iyo madaxda garsoorka, wuxuuna sii shaqeyn doonaa ilaa laga soo magacaabayo hoggaamiye rasmi ah oo beddela Khamenei.

Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim ayaa werisay in Arafi uu door muhiim ah ku leeyahay hoggaanka dalka xilligan adag, islamarkaana uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu awoodda badan Iiraan, sidoo kalena aad ugu dhawaa hoggaamiyihii la dilay.

Waaberigii hore ee Axadda ayay Iiraan si rasmi ah u xaqiijisay geerida Aayatullaahi Cali Khamenei, kadib weerar baaxad weyn oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil.

Dhanka kale, Iiraan ayaa sidoo kale billowday buuxinta xilal kale oo bannaanaday, waxaana Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka loo magacaabay Sarreeye Guuto Axmed Vihidi. Vihidi oo horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa lagu tilmaamay khabiir milatari oo aqoon durugsan u leh xeeladaha dagaalka.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa laf dhabar u ah difaaca Iiraan, iyadoo tallaabooyinkan ay imanayaan xilli dalkaasi wajahayo xaalad dagaal iyo hubanti la’aan siyaasadeed kadib geerida hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular