MUQDISHO – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa UPDF, ayaa howlgal ka fuliyay deegaannada Mubaarak iyo Daaru Salaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo laga saaray xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, howlgalka oo qeyb ka ah howlgalada Bedar ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa deegaannadaas, waxaana lagu dilay xubno ka tirsan kooxda, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray.
Qoraalka ayaa lagu xusay in shacabka ku dhaqan Mubaarak iyo Daaru Salaam laga dulqaaday cadaadis iyo dhibaato ay ku hayeen maleeshiyaadka, isla markaana ciidamadu ay la wareegeen deegaannada muhiimka ah.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale adkeeyay in howlgalada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo nabad iyo xasillooni guud ahaan dalka.

