KUWAIT – Qaar ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Mareykanka ayaa ku burburay gudaha dalka Kuwait, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Difaaca Kuwait.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo militari ah ay soo dhaceen Isniintii, isla markaana dhammaan shaqaalihii saarnaa ay badbaadeen. Dowladda Kuwait ayaa xustay in duuliyeyaasha la daad-gureeyay loona qaaday isbitaallo si baaritaanno caafimaad loogu sameeyo, iyadoo xaaladdooda lagu tilmaamay mid deggan.
Wararka ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah diyaaradaha burburay uu ahaa nooca F-15, kaas oo ku dhacay meel u dhow caasimadda Kuwait City. Laba duuliye ayaa la sheegay inay adeegsadeen baarashuudka badbaadada kahor inta aysan diyaaraddu dhulka ku dhicin.
Muuqaallo laga baahiyay warbaahinta caalamiga ah iyo baraha bulshada ayaa muujinayay diyaarad dagaal oo hawada ku burburaysa iyo duuliye baarashuud ku soo degaya. Mid ka mid ah duuliyeyaasha ayaa la arkay isagoo hubeysan, balse markii dambe ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka Kuwait kadib markii dad rayid ah ay ku soo xoomayeen goobta.
Wasaaradda Difaaca Kuwait ayaa sheegtay inay la shaqeynayso Mareykanka si loo ogaado sababaha keenay shilka, isla markaana baaritaan rasmi ah uu socdo.
Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dalal ka tirsan Khaliijka ay wajahayaan xaalad amni oo kacsan, hase ahaatee mas’uuliyiinta Kuwait ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta sababta rasmiga ah ee burburka diyaaradaha.

