Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaHorjoogihii Qorsheeyay Weerarkii Godka Jilacow oo Lagu Dilay Howlgal ka Dhacay Shabeellaha...

Horjoogihii Qorsheeyay Weerarkii Godka Jilacow oo Lagu Dilay Howlgal ka Dhacay Shabeellaha Hoose

MUQDISHO – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xaqiijisay in howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag, oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, lagu dilay horjoogihii ka dambeeyay weerarro argagixiso oo dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho sanadkii 2025.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay NISA, howlgalka oo ay kaashanayeen saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii iyo isku-duwihii weerarro sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga.

Ninka la dilay ayaa watay magacyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali. Hay’addu waxay sheegtay inuu ahaa hagihii shabakaddii fulisay weerarkii Godka Jilacow ee 4-tii Oktoobar 2025, weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Kulliyadda Jaalle Siyaad 9-kii Luulyo 2025, iyo weerarkii Dugsiga Tababarka Jeneraal Dhega-Badan, Xero Nacnac, 10-kii Diseembar 2025.

NISA ayaa intaas ku dartay in sarkaalkan uu si toos ah u maamuli jiray unugyo fulin jiray falalkaasi, isla markaana dabagalka lagu hayay in ka badan 150 maalmood. Waxaa sidoo kale la sheegay in si gaar ah loo ilaalinayay badqabka shacabka, maadaama uu marar badan gabaad ka dhigan jiray deegaanno ay dad rayid ah ku badan yihiin, sida Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaarey iyo Gendershe.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo amni buuxa iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda guud ahaan dalka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular