Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaJames Swan oo Loo Magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u...

James Swan oo Loo Magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan DR Congo

MUQDISHO – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa si rasmi ah u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (MONUSCO).

War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Swan uu hoggaamin doono howlgalka MONUSCO, isaga oo xilka kala wareegaya Bintou Keita oo u dhalatay dalka Guinea. Qaramada Midoobay ayaa uga mahadcelisay Keita shaqadii iyo dadaalkii ay ka qabatay howlgalkaas.

Magacaabistan cusub ayaa ka dhigan in Swan uu baneeyo xilkii uu ka hayay Soomaaliya, halkaas oo uu tan iyo bishii Maarso 2025 ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa Hawlgalka KMG ah ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS). Swan ayaa sidoo kale hore u soo hoggaamiyay Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) intii u dhaxeysay sanadihii 2019 ilaa 2022.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in magacaabista Swan lagu saleeyay khibraddiisa diblomaasiyadeed, gaar ahaan shaqooyinka uu ka soo qabtay dalal Afrikaan ah oo la tacaalaya xaalado siyaasadeed iyo amni oo adag.

Bixitaanka Swan ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xiisad siyaasadeed, iyadoo hoggaanka siyaasadeed ee dalka ay isku khilaafsan yihiin arrimo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Dhanka kale, howlgalka MONUSCO ee uu Swan hoggaamin doono ayaa la aas aasay sanadkii 2010, waxaana ujeeddadiisu tahay ilaalinta rayidka, taageeridda dowladda Congo, iyo xasillinta gobollada ay ka jiraan colaadaha, gaar ahaan bariga dalka.

Gobollada bariga Congo waxaa weli ka socda dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan, oo ay ka mid tahay kooxda March 23 Movement (M23). Dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Rwanda inay taageerto kooxdaas, inkastoo Kigali ay arrintaas si adag u beenisay.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular