Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaAgaasimaha NISA Oo Kulan Sagootin Ah u sameeyay Kaaliyihii Hore Ee Amniga...

Agaasimaha NISA Oo Kulan Sagootin Ah u sameeyay Kaaliyihii Hore Ee Amniga Hay’adda

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka qeyb galay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay Kaaliyihii hore ee Amniga hay’adda, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, kaas oo dhowaan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ahayd kulan afur ah ayaa ka dhacday Taliska Guud ee NISA, waxaana ka qeyb galay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda. Kulanka ayaa lagu maamuusay shaqadii iyo kaalintii uu Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar kasoo qaatay howlaha amniga iyo sirdoonka intii uu ka tirsanaa hay’adda.

Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo si gaar ah u bogaadiyay doorka muuqda ee Aadan Maxamed Cumar ku lahaa sugidda amniga qaranka iyo howlaha ay hay’addu u xilsaaran tahay. Waxa uu sidoo kale u rajeeyay inuu ku guuleysto mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday.

Intii uu socday kulanka, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar ayaa lagu guddoonsiiyay shahaado iyo billad sharaf, kuwaas oo lagu maamuusayay dadaalkii iyo naf-hurnimadii uu ku bixiyay shaqadii uu ka soo qabtay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan u magacaabay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidamadan gaarka ah ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlaha la xiriira la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Hay’adda NISA ayaa Aadan Maxamed Cumar ku tilmaantay sarkaal muddo dheer u huray naf iyo waqti howlaha amniga, isla markaana lagu yaqaanay karti, hufnaan iyo sida uu u gutay waajibaadka shaqo ee loo igmado.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular