Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulanka oo socday saacado ayaa diiradda lagu saaray marxaladda cakiran ee uu marayo dalka Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka dhashay wax-ka-beddelka dastuurka ee ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wadahadleen sida xal loogu heli karo xaaladda kala guurka ah ee dalka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa doorasho guud oo ku dhacda waqtigeeda. Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.
Kulankan ayaa sidoo kale ku soo aadaya kadib markii labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka. Kadibna guddoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, uu ku dhawaaqay in Baarlamaanku isku kordhiyay muddo hal sano ah.
Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Sheekh Shariif ay isku raaceen in la sameeyo dadaallo lagu xaqiijinayo doorasho heshiis lagu wada gaaro oo ku dhacda waqtigeeda, si looga fogaado khilaafyo siyaasadeed oo hor leh.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qorsheynaya shirweyne ka dhaca magaalada Garoowe bartamaha bisha April, kaas oo la filayo inay ka qeybgalaan dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo muran xooggan uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

