Monday, March 9, 2026
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Saxiixay Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Saxiixay Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaddib markii ay hore u ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday madaxtooyada magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan guddiyada dib-u-eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saxiixa dastuurka cusub uu soo gabagabeeyay geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis ah, isagoo xusay in muddo ka badan toban sano dalka uu ku jiray marxalad dastuur ku-meel-gaar ah.

“Maanta waxaa soo gabagaboobay safarkii dheeraa ee dib-u-eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer ku meel gaar ahaa, isla markaana ay dhowaan ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka. Ilaahey idankiis, maanta wixii ka dambeeya waxaa noo bilaaban doona dhaqan-gelintiisa,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sida uu sheegay, dastuurkan cusub ayaa saldhig u noqon doona xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dastuurku yahay heshiis bulsho oo muhiim u ah dhismaha dowladnimo hufan iyo xasillooni siyaasadeed.

Dastuurka cusub ayaa wax ka beddel ku sameeyay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin muddada xil-haynta madaxweynaha iyo baarlamaanka oo laga dhigay shan sano, halkii ay hore uga ahayd afar sano. Waxa kale oo lagu qeexay nidaamka doorashooyinka iyo awoodaha madaxweynaha ee la xiriira magacaabista iyo xil ka qaadista ra’iisul wasaaraha, iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Saxiixa madaxweynaha ayaa ka dhigan tallaabada ugu dambeysa ee dhaqan-gelinta dastuurka, inkastoo weli la filayo habraacyo kale oo lagu hirgelinayo qodobbadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada sida Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale siyaasiyiin mucaarad ah, ayaa si weyn uga horyimid wax-ka-beddelka dastuurka, iyagoo ku doodaya in aan loo marin habraac siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular