Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay saxiixa uu Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud ku meel mariyey nuqul ka mid ah dastuurka cusub ee dalka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayaa lagu sheegay in tallaabada uu qaaday madaxweynaha ay ka hor imanayso habraacyada ku xusan dastuurka ku-meel-gaarka ee Soomaaliya, isla markaana ay keeni karto kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho.
Farmaajo ayaa sheegay in saxiixa dastuurka cusub uu yahay mid sharci-darro ah, isaga oo ka digay in arrintaasi ay halis gelin karto dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
“Saxiixa sharci darrada ah ee maanta uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka soo horjeedaa hab-raacyada uu qeexayo dastuurka ku-meel-gaarka, waxa uuna kala geynaa ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale xusay in dowlad-goboleedyada qaarkood, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, iyo siyaasiyiin kale ay hore u muujiyeen walaac ku saabsan habraaca loo maray wax-ka-beddelka dastuurka, taas oo muujinaysa in aan la helin heshiis siyaasadeed oo ballaaran.
Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dib uga laabto tallaabadaas, isla markaana uu ku soo laabto wadadii wada-tashiga iyo heshiiska siyaasadeed.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in muddada ka harsan xilka dowladda lagu qabto doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, taas oo ku saleysan shuruucda iyo habraacyada lagu heshiiyay.
Doodda ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka ayaa maalmahan si weyn uga dhex taagan siyaasadda Soomaaliya, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sharciyadda iyo habraaca loo maray isbeddellada lagu sameeyay dastuurka dalka.

