Wednesday, March 11, 2026
spot_img
GurigaWararkaMaraykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Saldhigyada Daacish ee Buuraha Calmiskaad

Maraykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Saldhigyada Daacish ee Buuraha Calmiskaad

Taliska Ciidamada AFRICOM ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday fariisimo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan ISIS-Somalia, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay togga Baallade ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso. Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in howlgalka uu dhacay iyadoo iskaashi uu la leeyahay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto hawlgallada lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia si looga hortago khatar ay ku yeeshaan gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa ku sugan dalalka kale.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cutubyada ama qalabka loo adeegsaday duqeynta lama shaacin, iyadoo AFRICOM ay sheegtay in arrintaas loo qariyey sababo la xiriira amniga hawlgallada socda.

Illaa hadda ma jirto war rasmi ah oo faahfaahinaya khasaaraha ka dhashay duqeynta. Duqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli ay Puntland hoos u dhigtay qaar ka mid ah howlgalladii ay ka waday buuraha Calmiskaad, iyadoo halkaas ka saartay ciidamo hore ula dagaalamayay dagaalyahannada Daacish.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa hore u sheegay in kooxo firxad ah oo ka tirsan Daacish ay weli ku go’doonsan yihiin buuraha Calmiskaad, isla markaana laga jaray sahaydii ay ka heli jireen shabakad si qarsoodi ah u gaarsiin jirtay raashin iyo xoolo. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale taageero dhinaca duqeymaha iyo xogta sirdoonka ah ka siineysay Puntland dagaalka ay kula jirto Daacish muddo ka badan hal sano.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular