Friday, March 13, 2026
spot_img
GurigaWararkaTurkiga Oo Afar Markab Dagaal U Soo Diraya Xeebaha Soomaaliya

Turkiga Oo Afar Markab Dagaal U Soo Diraya Xeebaha Soomaaliya

Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu afar markab oo dagaal u soo dirayo biyaha Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan ilaalinta amniga badda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhici kara xeebaha dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa sheegay in maraakiibtan oo kala ah TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş ay ku soo wajahan yihiin biyaha Soomaaliya, waxaana la filayaa inay gaaraan 16-ka Maarso 2026.

Sida uu sheegay Aktürk, howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada Ankara ay ku xoojinayso amniga badda Soomaaliya iyo kan gobolka. Maraakiibtan ayaa ka shaqeyn doona ilaalinta xeebaha iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada ka socda badda, xilli ay jiraan walaacyo la xiriira budhcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah iyo falal kale oo khatar gelin kara amniga badda.

Mas’uuliyiin ayaa sheegay in maraakiibtan ay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada ciidamada Soomaaliyeed ee ku biiraya howlgalka.

Howlgalkan ayaa sidoo kale la xiriira heshiisyada iskaashi ee dhinaca badda iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in la xoojiyo awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha iyo kheyraadka ku jira.

Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo diray markab loogu talagalay sahminta shidaalka badda ku jira, kaas oo ka shaqeynayay goobaha sahminta laga bilaabay sanadkii 2024. Sidoo kale, waxaa horey biyaha Soomaaliya ugu sugnaa ugu yaraan saddex markab oo dagaal iyo kuwo galbinaya markabka sahminta shidaalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in marka maraakiibtan ay gaaraan Muqdisho ay ka dib u sii gudbi doonaan dhanka Badda Cas si ay u sii wadaan howlgalka ilaalinta biyaha Soomaaliya, iyadoo la fulinayo heshiiska iskaashi ee dhinaca badda ee u dhexeeya labada dal.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular