SHABEELLAHA HOOSE – Waxaa maanta gabi ahaanba go’ay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee u kala goosha deegaannada Sabiid iyo Caanoole, ka dib markii ay duntay buundadii halkaas ku taallay xilli uu dul marayay gaari xamuul ah.
Dhacdadan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan iyo walaac ku aaddan tayada dhismaha buundadan, maadaama dib u dhiskeeda la xarig jaray 6-dii December 2025—taas oo ka dhigan inay shaqaynaysay muddo ka yar afar bilood.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ilo wareedyo deegaanka ah, gaari xamuul ah oo nooca TM-ka loo yaqaano ayaa marayay bartamaha buundada markii uu dhismihii hoostiisa ka dumay. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga oo ku xayiran qaybta duntay, inkastoo aan ilaa hadda la soo werin khasaare nafeed oo dhashay.
Buundadan, oo ay markii hore qaraxyo ku burburiyeen kooxda Al-Shabaab, waxaa dib u dhiskeeda iska kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Turkiga. Saraakiil ka kala socotay labada dhinac ayaa si rasmi ah u furay bishii December ee aynu soo dhaafnay, iyadoo loo arkayay marin muhiim u ah ganacsiga iyo amniga gobolka Shabeellaha Hoose.
Bulshada deegaanka ayaa su’aalo ka keenay sababta ay buundadan ugu adkeysan weyday culayska gaadiidka, iyadoo aan xataa la gaarin xilli roobaadkii la filayay. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku dooday in farsamada dhismaha ee la isticmaalay ay u muuqato mid hooseysa.
Ilaa iyo hadda, ma jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ama maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay sababta rasmiga ah ee keentay in buundadaas cusub ay dunto.

