Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarro la sheegay in Iran ay ku bartilmaameedsatay kaabayaasha tamarta ee dalalka Khaliijka, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarradan ay yihiin xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay si buuxda u garab taagan tahay dowladaha iyo shacabka dalalka Khaliijka, iyadoo taageertay tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda iyo badbaadada muwaadiniintooda.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta marinnada tamarta ee muhiimka u ah xasilloonida caalamka, iyadoo Soomaaliya ay tilmaantay in ay tahay dal ku yaalla marinno badeed istiraatiiji ah.
Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay dejiyaan xiisadda isla markaana ay doortaan wadahadal si loo helo xal waara oo lagu xasiliyo xaaladda gobolka.
Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo xoojiyo nabadda loona ilaaliyo kaabayaasha muhiimka ah ee tamarta.

