MUQDISHO – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka ka socda magaalada Baydhabo, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeed ay soo saareen golaha ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa mucaaradka ah ku galeen qeybo kamid ah Baydhabo uu sababi karo cawaaqib xun, oo ay ka mid yihiin dhiig-daadasho, burbur hantiyeed iyo xaalado bani’aadamnimo oo sii xumaada.
Golaha ayaa sidoo kale muujiyay walaac la xiriira suurtagalnimada in dagaalkaasi keeno xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo jebinta xeerarka caalamiga ah, kuwaas oo gaari kara heer dambiyo dagaal. Waxay carrabka ku adkeeyeen in mas’uuliyadda arrimahaas si toos ah loogu qaadi karo cid kasta oo ka qeyb qaadata ama taageerta tallaabooyinkaasi.
Iyadoo la tixgelinayo xaaladaha adag ee dalka ka jira, sida abaaraha, dhaqaale xumada iyo khataraha amni ee ka imanaya Al-Shabaab, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dagaalka, lana ilaaliyo shacabka rayidka ah iyo hantidooda.
Sidoo kale, golaha ayaa soo jeediyay in dib loogu laabto wadahadal siyaasadeed oo ku saleysan dastuurka, si loo helo xal nabadeed oo waara.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka fogaado tallaabo kasta oo hurin karta colaad sokeeye, isla markaana khatar gelin karta midnimada qaranka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

