Garowe, Abriil 4, 2026 – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland ayaa amar rasmi ah ku soo rogay dhammaan wasiirrada, wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dawlayaasha cusub in ay soo gudbiyaan hantidooda gaarka ah muddo hal bil gudaheed ah kadib marka ay xilka la wareegaan.
Wareegto uu soo saaray Hanti-dhawraha Guud, Cismaan Maxamuud Cali, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay ku saleysan tahay Qodobka 77aad ee Dastuurka Puntland, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta hufnaanta, daahfurnaanta iyo ka hortagga musuqmaasuqa.
Qoraalka ayaa si cad u tilmaamay in mas’uuliyiinta sare ee dowladda aysan geli karin ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan, ayna waajib ku tahay in hantidooda si buuxda loogu diiwaangeliyo xafiiska Hanti-dhawrka inta lagu jiro bishooda ugu horreysa ee shaqada.
Sidoo kale, Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa faray mas’uuliyiinta xilka ka degaya inay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan isbeddel kasta oo ku yimid hantidooda muddadii ay xilka hayeen, iyadoo la raacayo qodobbada 129aad ilaa 134aad ee Dastuurka Puntland, kuwaas oo diiradda saaraya maamul-wanaagga, ilaalinta hantida dadweynaha iyo isla xisaabtanka.
Mas’uuliyiinta ka gaabiya fulinta amarkan ayaa la sheegay in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah, iyadoo lagu saleynayo shuruucda iyo dastuurka u degsan Puntland.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan la sameeyay isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay golaha wasiirrada Puntland, waxaana la tilmaamay inay tahay mid lagu xoojinayo kalsoonida shacabka iyo ilaalinta kheyraadka dowladda.

