MUQDISHU, Somalia- Qorshahan looga gol-leeyahay in dalka looga cirib-tiro argagaxisada, ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay dib ugu laabatay beegsiga dadka maalgeliya kooxaha xagjirka ah, iyadoo ujeedkeedu yahay soo celinta xasiloonida iyo nabadda si horumar loo gaaro.
Labaatankii sano ee u dambeeyay, dalka Geeska Afrika waxa uu dagaal kula jiray maleeshiyada Al-Shabaab ee ku xooggan gobollada dhexe iyo koonfurta, iyadoo khatarta Daacish ay sidoo kale sii kordhaysay bilihii u dambeeyay, sababo la xidhiidha taageero dhaqaale oo aan kala go’ lahayn.
Laakin Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay beegsan doonto ganacsatada iyo shaqsiyaadka maalgeliya kooxaha argagixisada, isagoo intaa ku daray in kuwa lagu helo dambiga ay waayi karaan ruqsadaha ganacsi.
“Ciidamadeenna ammaanku waxay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo inay la shaqaynayso kooxaha argagixisada ah. Maalkiinnu yaanay noloshaada baabi’in,” ayuu wasiir Ismaaciil ka digay.
Si loo sii xakameeyo dakhli uruurinta Al-Shabaab, dowladdu waxay albaabada isugu dhufatay xawaaladaha mobilada iyo xisaabaadka bangiyada ee lala xiriirin jiray maleeshiyada Al-Shabaab.
Intaa waxaa dheer, akoonnada baraha bulshada ee taageera dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo mareego badan ayaa sidoo kale la xiray si looga hortago faafinta dacaayadaha. Kooxdu waxa ay mashiinada dacaayadaha oo awood badan ku maamula baraha bulshada iyo mareegaha internetka.
“Ujeedadayada koowaad waxay ahayd inaan la dagaalanno Al-Shabaab oo aan kaga adkaano dhinacyo badan. Maanta waxaan si kalsooni leh u dhihi karnaa waxaan ku wiiqnay dhaqaale ahaan, warbaahinta, fikir ahaan iyo goobihii dagaalkaba,” ayuu yiri Ismaaciil, isagoo intaas ku daray in dowladdu ay ka war-qabto shaqsiyaadka si qarsoodi ah ula macaamila Al-shabaab.
“Waxaan uga digayaa muwaadiniinteena inay ka fogaadaan wax kasta oo la macaamilka Al-Shabaab. Haddii lagu helo adiga oo la xiriirinaya ama u fududeynaya dhaqaalaha, dowladdu waxay kaa qaadi doontaa tallaabo adag,” ayuu ku nuux-nuuxsaday.
Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo dowladdu ay digniino xooggan ka soo saarto maal-geliyayaasha Al-shabaab, inkastoo dadaalladaas la sameeyay ay kooxdu si joogto ah dalka uga geysanayso dhibaatooyin.