Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaQorshaha Ciidamada Masar kusoogalayaan Soomaaliya oo la diyaariyay

Qorshaha Ciidamada Masar kusoogalayaan Soomaaliya oo la diyaariyay

CAIRO — Ka dib toddobaadyo wadahadallo qoto dheer oo ay Ia yeesheen dowladda
federaalka Soomaaliya, Masar ayaa go’aansatay inay soo dirto ciidamo milatari 00 ka
caawin doona Soomaaliya sidii ay u dhisi lahayd ciidan qaran oo awood leh iyo
ilaalinta xasiloonideeda, iyadoo ay jiraan caqabado amni oo soo food saaray gobolka.


Inkasta 00 uu si weyn uga soo horjeedo Itoobiya, maadaama 100 socdo Webiga Nile,
Masar ayaa sii waday ballan-qaadkeeda inay Ciidamo usoo dirto Soomaaliya, iyagoo
qeyb ka noqonaya howlgalka AI-JSSOM.


Ilaha ku dhow qorshaha Qaahira ayaa xaqiijiyay in Masar ay qorsheyneyso inay usoo
dirto laba qeybood oo ciidan ah Soomaaliyat balse tirada ciidamada ayaa weli aan la
go’aansan, maadaama ay tahay arrin ay go’aamin doonto dowladda Soomaaliya.


Qeyb ka mid ah Ciidanka ayaa ku biiraya Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo
Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), 00 bedelay Hawlgalkii (ATMIS), kaasoo muddo-
xileedkiisa dhammaaday bishan.

Sidoo kale, Masar ayaa ciidamo kale usoo diraysa Soomaaliya, Sida ku xusan heshiiska
iskaashiga difaaca ee labada dal galeen, kuwaasoo qeyb ka qaadan doona qalabaynta,
hubinta, dib-u-hagaajinta iyo tababarka Ciidamada Millateriga Soomaaliyeedt taasoo
Itoobiya ay horay uga muujiyeen walaac.


Haddii ay xaqiijiso, arrintan waxay Ia mid tahay nidaamka hadda ka jira Soomaaliya,
halkaasoo qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya ay ku hawlgalaan qeyb ka mid ah
howlgalka Midowga Afrika, halka kuwa kale ay ku howl-galaan heshiisyo amni.
Madaxweynaha Soomaaliyat Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan booqday Addis
Ababa iyo Qaahira si uu u helo oggolaansho, maadaama labada dal ay door muhiim ah
ka ciyaari doonaan xasilinta dalkiisa.


Ciidamadu waxay ka caawin doonaan dowladda Soomaaliya la-dagaallanka kooxda
Al-Shabaab. Masar waxay isbahaysi la sameysatay Soomaaliya iyo Eritrea si ay Itoobiya
cadaadis militeri u saarto, ugu dambeyna u ogolaato heshiis ku saabsan biyo-xireenka
webiga Nile.

RELATED ARTICLES

Most Popular