Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaSoo Rogaal-celinta Al-Shabaab ee Sh/Dhexe: Sababaha & Saamaynta

Soo Rogaal-celinta Al-Shabaab ee Sh/Dhexe: Sababaha & Saamaynta

Degmada Ceel Baraf ayey khawaarijtu si fudud gacanta ugu dhigeen, ayagoo aan la kulmin wax iska caabin ah. Dagaal ka dhacay deegaanka Cali Fool Dheere ayaa waxaa uu dhaxmaray ciidanka Daraawiishta Hirshabelle iyo Al-Shabaab, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, mid ka mid ah dhaawacyadaasna waxa uu ahaa Taliyaha Booliska Hirshabelle, Kornayl Xasan Dhicisow Xasan, oo loo qaaday magaalada Muqdisho.

Isbuucii hore, waxa dib u soo cusboonaaday weeraro garba siman ah oo ay argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe ee maamulka Hirshabelle. Waxay iska caabin kala kulmeen ciidanka deegaanka, gaar ahaan deegaanka Ceel Cali Axmed, halkaas oo khasaaro culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab. Waxaa halkaas lagu dilay xubno muhiim u ahaa, gaadiid dagaal waa laga gubay, sidoo kalena hub ayaa laga furtay.

Degmada Ceel Baraf, oo ka tirsan Shabeelada Dhexe balse xad la leh Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Jalalaqsi oo colaado qabiil ka socdeen xilliyadii dambe, ayey khawaarijtu si fudud gacanta ugu dhigeen, ayagoo aan la kulmin wax iska caabin ah. Dagaal ka dhacay deegaanka Cali Fool Dheere ayaa waxaa uu dhaxmaray ciidanka Daraawiishta Hirshabelle iyo Al-Shabaab, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, mid ka mid ah dhaawacyadaasna waxa uu ahaa Taliyaha Booliska Hirshabelle, Kornayl Xasan Dhicisow Xasan, oo loo qaaday magaalada Muqdisho.

Akhbaar Media ayaa hadaba qalinka u qaadatay waxyaabaha sababay soo rogaal-celinta Al-Shabaab ee deegaanada Shabeelada Dhexe ee maamulka Hirshabelle, iyada oo ilo xog-ogaal ah ay nala wadaageen xog rasmi ah oo ku saabsan dagaalka.

Waxaan baaritaan ku sameynay sababaha keenay weerarada xilligan ay Shabaab soo qaadeen iyo sida ay si sahlan ugu qabsadeen deegaanadii horay looga saaray.

Maxaa Keenay Soo Rogaal-celinta Al-Shabaab?

Argagixisada Al-Shabaab ayaa heshay fursad ay isku abaabusho kadib markii laga saaray deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya. Waxay heleen waqti ay ku tababaraan maleeshiyaad cusub.

Akhbaar Media oo baaritaan qoto dheer sameysay waxay ogaatay in dagaalladii qabiilada, gaar ahaan beelaha Xawaadle iyo Abgaal, ay Al-Shabaab gadaal ka riixeysay si ay u kala fogaadaan labadaas beelood. Tani waxay u suurtagelisay inay mar kale isku dayaan inay qabsadaan deegaanadii laga saaray.

Baaritaankeenna waxa uu muujinayaa in Al-Shabaab ay ka dambeysay dilalkii lixda askari ee beesha Xawaadle ee lagu dilay Ceel Baraf, si ay u abuuraan isku dhac qabiil. Waxaana caddeyn u ah in dadkii dilkaas geystay ay iska dhiibeen xeryaha Al-Shabaab, taas oo si cad u qeexday ku lug lahaanshahooda.

Sidoo kale, colaad ayaa laga dhax huriyay juffooyinka beesha Abgaal, sida Agoonyar iyo Cabdalla Caroone, taas oo sahashay in Al-Shabaab ay si fudud u qabsato qeybo kamid ah gobolka Shabeelada Dhexe.

Maxaa Hortaagan Xoreynta Ceel Baraf?

Mucaaradnimada sii xoogeystay ee Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa sababtay in madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka warwareego isku-daba ridka ciidamada Macawiisleyda beesha Abgaal, gaar ahaan Agoonyar.

Madaxweynaha ayaa si buuxda u qalabeeyay oo taageero siiyay ciidanka deegaanka beesha Xawaadle, maadaama uusan ka qabin cabsi inay ku biiraan Badbaado Qaran 2, oo ah garab uu aad uga baqayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida xogo lagu kalsoonaan karo ay u xaqiijiyeen Akhbaar Media, Xasan Sheekh waxa uu aaminsan yahay in beesha Agoonyar ay si buuxda u taageersan tahay Sheekh Shariif, sidaas darteed wuxuu muddo ku waday inuu si hoose u wiiqo awoodooda ciidan. Tani waa sababta keentay in muddo saddex maalmood ah aan la gali karin Ceel Baraf, maadaama aysan jirin ciidan deegaan ah oo horay loo diyaariyay ama haatan la diyaarinayo.

Xogahan ayaa sidoo kale muujinaayo in Madaxweynuhu uu si toos ah u wiiqay awoodda ciidanka deegaanka ee Harti Abgaal, isagoo dagaal kula galay dhammaan saraakiishii beeshaas, sida Cali Xuubeey iyo Saneey Cabdule, isaga oo aaminsan in awooddaas ay la xiriirto Sheekh Shariif, loona baahan yahay in la dhimo.

Hadda, Xasan Sheekh waxa uu go’aansaday in ganacsade Liibaan Shuluq uu ka dalbado inuu diro ciidan kuwa deegaanka ah oo si kooban u garabsiinaya dib u xoreynta degmada Ceel Baraf iyo Cali Fool Dheere.

Shalay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la kulmay ganacsatada kala ah Liibaan Shuluq iyo Ceeydiid, oo ka soo kala jeeda Habar Gidir (Liiban Shuluq) iyo beesha Agoonyar (Ceydiid) balse ka mid ah kooxda madaxweynaha, si ay u abuuraan unugyo ciidan deegaan ah oo taageersan dowladda. Hawlgalkan ayaa maanta, oo Isniin ah, si rasmi ah u bilowday sida aan xogta ku heyno. Waxaa maanta oo isniin ahla arkayay Liban Shuluq oo Safar ku jooga Hiiraan lana socda Taliyaha NISSA Abdullahi Mohamed Sanbaloolshe iyo Madaxwayne ku xigeenka Hirshabeelle Yussuf Dabageed.

RELATED ARTICLES

Most Popular