Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaUncategorizedXogtii ugu dambeesay iyo Khasaaraha ka dhashay Dagaal cuslus oo saaka ka...

Xogtii ugu dambeesay iyo Khasaaraha ka dhashay Dagaal cuslus oo saaka ka dhacay Beera-yabaal

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay inay dagaalka ka gaartay guullo hor leh, iyadoo sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacabka hubeysan ay halkaasi ku laayeen Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo aroorninadii hore ee saakay ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Beera yabaal ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Shabaab ay weerar kula jarmaadeen fariisimo ciidamada iskaashanaya ay ku lahaayeen agagaarka deegaannada Beera-yabaal iyo Aboorey oo hoostagta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay inay dagaalka ka gaartay guullo hor leh, iyadoo sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacabka hubeysan ay halkaasi ku laayeen Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

Dowladda ayaa sheegtay in dagaalkan ay ciidamadu Al-Shabaab uga soo furteen hub iyo gaadiid dagaal, halka ay laayeen tiro badan oo xubnihii soo weeraray ah.

“Ciidamada ayaa waaberigii hore ee saakay fashiliyay weerar naflacaari ah oo Khawaarijtu ku soo qaaday goobaha saakay lagu laayey, waxaana weli dhulka howdka ah ee dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ka socda baacsiga firxadkii Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ka socda Hiiraan ee lagu jabiyay Shababa ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in goordhow ay bulshada la wadaagi doonaan faah-faahinta sida loo fashiliyey dhagartii kooxda. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyey kooxda.

Si kastaba, goobihii uu saaka dagaalka ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, oo si buuxda gacanta ugu haya.

RELATED ARTICLES

Most Popular