Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo saaray bayaan wadajir ah, kaddib booqashada uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in booqashada Abiy ay daba socoto bilo wada-hadallo joogto ah, kuwaas oo xoojiyey dib u hagaajinta xiriirka labada dal isla markaana gogol xaar u ah iskaashi xoogan oo labada dhinac ay si dhow u yeeshaan.
Bayaanku wuxuu dib u xaqiijiyey go’aanka labada dal ee ah in si wadajir ah loo horumariyo danaha guud, la dhiirrigeliyo nabadgelyada iyo amniga, lana xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed si kor loogu qaado nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
“Labada hoggaamiye waxay mar kale xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga wada faa’iidaystaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Iyagoo aqoonsan xiriirka qotada dheer ee taariikheed ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda la wadaaggo, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni, iyadoo la xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo bulsho.
Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabashada wadahadallada farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyey Bayaanka Ankara, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-hadaladda wax ku oolka ah iyo iskaashiga labada dal.
“Waxay sidoo kale bogaadiyeen is-fahamka dhexmaray hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, iyagoo u arka arrin muhiim u ah iskaashiga dhanka amniga iyo xasilinta gobolka.”
Hoos ka aqriso bayaanka wadajirka ah:
