Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaUrurka Al-Shabaab oo lagala wareegay magaalo kale oo muhiim ah

Ururka Al-Shabaab oo lagala wareegay magaalo kale oo muhiim ah

Ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Magaaladan oo aheyd mid muhiim ah ayaa waxay gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab, waxaan ugu dambeyn maanta ka xooreeyay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo weerar ballaaran ku qaaday saaka.

Dagaal-yahaannada Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay inay iskaga baxeen magaalada, markii ay awoodi waayeen inay u babac dhigaan ciidamada iskaashanaya, waxaana sidaas gacan ku haynta magaalada kula wareegtay dowladda.

Inkastoo aan si rasmi ah khasaaraha loo ogeyn, haddana waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay kasoo gaaray dagaalka.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo kooxda ka xoreeyay deegaano muhiim ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay la gaarsiiyey jabweyn oo dhankasta ah.

“Khawaarijta jab aad u balaaran ayaa 20-kii maalin ee la soo dhaafey ku gaarey gobolada dalka, rafadkii ugu dambeeyey ayey ku jiraan, geesiyaasha ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

RELATED ARTICLES

Most Popular